
Faahfaahinta Awood
Xarunta Awood waa meel ay ku barato Bulshada Bariga Afrika, kuna difaacdo xuquuqdeena shaqada, oo ay ku dhisto awooda shaqaalaha Bariga Afrika.
Xarunta Awood waa Haayad ay horkacayaan shaqaale kala duduwan oo afaf kala duwan ku hadla. Ujeedkooduna waa inay soo saraan mustabalka hogaamiyayaal firfircoon oo horkici bulshadda Bariga Afrika ee dagan Minnesota.
Xarunta Awood waxay la shaqeysay dad kabadan 100,000 oo u badan Soo-galooti wadanka ku cusub iyo qoysaskooda dagan magaalooyinka mataanaha, iyadoo bareysa xaquuqdooda, soo saaraysa hogaamiyayaal horkaca bulshadda, isbadalna ku keenaysa dhaqalaha iyo siyaasada wadanka lagu dadka shaqeeya oo dhan.

